Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda Nile: Masar Oo Aqbashay Qorshe Ay Soo Jeediyeen Itoobiya Iyo Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Masar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u billowdo wada-hadalladii kala dhaxeeyey Sudan iyo Ethiopia ee ku saabsanaa muranka ka dhashay buuxinta biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia ay ka sameyneyso webiga Nile

“Masar mar walba diyaar ayey u tahay inay wada-xaajood la gasho dhinacyada, kana qeyb qaadato kulamada soo socda…si loo gaadho heshiis buuxa oo dheelli-tiran islamarkaana caddaalad ah,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tidhi in heshiiska uu tixgelin doono “danaha biyo ee Masar, si la mid ah kuwa Itoobiya iyo Sudan”.

Mowqfika Qaahira ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok uu Khamiistii kulan online ah la yeeshay dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed, si heshiis loo raadiyo.

Kulanka ayaa yimid kadib markii Addis-Ababa ay hore u sheegtay in ayna dib u dhigi doonin buuxinta biyo-xidheenka, kaasi oo dhismihiisa ay billowday 2011.

Bishii April, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” taasi oo muddo laba sanno gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xidheenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter.
Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xidheenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaadha.

Wada-hadallada Hamdok iyo Abiy ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey kadib dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Masar iyo Itoobiya, kaasi oo gaadhay Golaha Ammaanka QM.
Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xidheenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xidhan tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yidhi warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May.

Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this