Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayey doorashooyinka oo xalay lagu qabtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb-galay kulanka 4-aad ee doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka, kaas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Kulanka oo ay ka soo wada-shaqeeyeen wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland iyo hay’adda PDRC, waxaa ka qey-bgalay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Senator Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile iyo xubno kale.

Intiisa badan waxaa kulanka looga dooday hanaanka doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, doodaha noocan oo kale ah ayaana la sheegay inay sii socon doonaan, illaa ugu dambeyn ay ka soo baxdo aragtida Puntland ee nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in madaxda hadda dalka xukunta si aysan muddada u kordhisan ay muhiim tahay in la helo dad hortaagan, sidoo kalena wuxuu intaas ku daray in Somalia aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this