Deeq A. Posted May 22, 2020 Faah afaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi. Taliyaha amniga ee magaaladaasi, Nuur Kadiye Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu dagaalku ka dhacay uusan soo gaarin wax khasaare ah. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites