Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Waabari oo ku guuleysatay tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku guuleysatay kaalinta koowaad ee barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle, kaas oo ay sanadkan ku tartamayeen illaa 16 degmoo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Waabari ayaa ka badisay dhiggeeda degmada Hodan, kadib markii ay xalay isaga hor yimaadeen Final-ka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha Waabaari ayaa la yimid 14  dhibcood, halka Hodan oo gashay kaalinta 2-aad ee tartanka ay keensatay 2 buundo, sida uu shaaciyey Xasan Weli Sh. Abuubakar.

Sidoo kale waxaa kaalinta saddexaad ku soo baxay degmada Wadajir, ka-gadaal markii ay xalay ka guuleysatay dhiggeeda degmada Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Cadaani-Waabari.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this