Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Useless opposition party complaints

Recommended Posts

Madaxweyne u hadlaayo sidii ciyaalnimo camal.

XASAN SHEEKH oo u digay Farmaajo “Shacabka ha ku qasbin inay hub qaataan”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay madaxweyne Farmaajo inuu shacabka ku hoggaamiyo inay hub u qaataan dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa u sheegay Farmaajo inuusan taariikh xun ka tagin, oo dhibaato dalka ka dhacda taariikhda loogu qorin in isaga uu hoggaamiyey, oo berri la yiraahdo “wixii maalintaas dhacay isagaa horseeday.”

“Madaxda dalka waxaa leeyahay ha suginina maalinta shacabku idinka hor imanayo, 30 sano kuwo dalkan soo xukumayey ayaa barqo cad jidka lagu diray, waxaana u soo jeedinaynaa dowladan ragaas xabadaa lagu ridaye yeysan isku kalifin in ayaga xabad lagu rido talo aan anagu leenahay lagula ridi maayee,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ma rabno inay colaad dhacdo, ma rabno in is-jiijiid uu dhaco, waxaan rabnaa in horey loo socdo, waqti badan ayaa naga lumay oo 30 sano ah, umadaha kale intaas oo waqti ah kama lumo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aysan marnaba uga aamusi doonin wixii saxda ah. “Wixii dan darro ah lagaaga aamusi mayo, wixii gef ah lagaaga aamusi mayo, wixii qaanuun ah ee aan ku heshiinay lagugu dayn mayo, lagaagana aamusi mayo.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii kursiga ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyo in xiligan oo waqtigu gabaabsiga yahay ay madaxda Villa Soomaaliya ku murmayaan in dalkan doorasho ka dhici karto iyo inkale.

”Doorasho ma dhacaysaa in xilligaan laga murmo waa nasiib daradda ay badeen shacabka Soomaaliyeed Villa Somalia masuuliyiinteeda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Opposition leaders hold talks with Lower House speaker

WhatsApp-Image-2020-06-07-at-8.31.24-AM-

The speaker of Somalia’s Lower House of parliament Mohamed Sheikh Mursal and the leaders of the opposition party, Forum for National Parties, Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud held a closed-door meeting on Sunday night.

The two former presidents who currently lead the opposition Forum for National Parties coalition, discussed the 2020/2021 elections and ongoing efforts on COVID 19 response in the country.

The ex presidents have long expressed suspicion that President Farmajo’s administration plans to delay the 2020/21 elections in order to extend its mandate.

However, the two opposition leaders told the speaker that they will not allow an extension of term for the current government and warned its leadership against delaying the much anticipated polls.

The speaker has in return assured the former presidents that election will be conducted on its actual time.

During the opening of the seventh session in the parliament, the country’s leadership also stressed that it will hold the election on its stipulated time which is February next year.

President Farmajo signed the election bill into law in February this year.

Under the new election system, citizens will directly vote for parties, with parliamentary seats being allocated according to the final tallies.

The members of parliament will then elect the president and prime minister while the prime minister must come from the majority party in parliament

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqalka Sare oo soo saaray dalab adag oo u baahan in la fuliyo kahor 25-ka bishan kuna baaqay shir

Xaashi-2.jpeg

Aqalka Saree ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ay kulmaan ka hor 25-ka bisha, si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashada dalka.

Qoraal kasoo baxay Aqalka Sare, oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare “uu garwaaqsaday in qabashada doorashooyinka heer federaal ay u baahan tahay in wada tashi deg deg ah ay isugu yimaadaan inta ka horeysa 25-ka Bisha Juun, 2020 dhammaan madaxda Qaranka oo ugu horreeyo Madaxweyne Farmaaajo, Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in guddoomiye Cabdi Xaashi uu magacaabayo guddi uu isagu hoggaaminayo; guddigaas oo ka shaqeyn doona isu-keenista madaxda labada heer dowladeed iyo qabsoomidda shirka kor ku xusan.

Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay “u turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mudada dheer soo ragaadiyeen khilaafyada siyaasadeed iyo colaadaha daba-dhceraaday iyo in ay dedaal hagar la’aan ah ku bixiyaan ka miro-dhalinta hayaanka loogu jiro sidii loo gaari lahaa dowladnimo taabbagasha oo ku dhisan dimuquraadiyad wada-ogol ah.”

Qoraalka ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya lagala tashan doono hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021 si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo.

Waxa uu intaas ku daray in goobta uu wada-hadalku ka dhacayo lagala tashan doono dhinacyada ay khuseyso ee labada heer dowladeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoonka Aqalka Sare oo laba garab u kala jabay iyo garab la saftay Villa Somalia

Guddoomiye ku xigeenka labaad, golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Mowliid Guhaad ayaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku eedeeyay xad-gudub ka dhan ah xeer hoosaadka golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare ayaa guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi ku eedeeyay in shirkii guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare uu ku qabtay qadka muuqaalka ee Zoom-ka, iyadoo sida uu sheegay ay aheyd in shirkaas uu si toos ah ugu qabto xarunta golaha Aqalka Sare.

Shirka guddi hoosaadka ayaa laga soo saaray qoraalkii madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu baaqay shir ay isugu yimaadaan kahor 25-ka bishan.

“Xalay saq dhexe ayuu guddoomiye Cabdi Xaashi ii soo diray xoghayaha aqalka, waxuuna iisoo faray in kulankii lagu balansanaa in maanta uu ka dhaco xarunta guud ee golaha uu u bedalay mid ku dhici doona Zoom, isaga oo cidna aan kala tashan oo xarunta ay taallo 100 kursi oo Senator-kiiba uu kaligii fariisan karo hal leyn.”

“Waxa uu diiday inay isku yimaadaan senatarro ku wada sugan Muqdisho, waxauuna Zoom u galay senatarro jooga dalka dibadiisa iyo gobolada kale ee dalka, taas oo xadgudub ku ah xeer hoosaadka Aqalka,” ayuu yiri Senator Mowliid Guhaad oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare, lana safan Villa Somalia.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi uu doonayo in shuruucda meel marinta u baahan ee dalka uu marka hore soo ansixiyo golaha shacabka, kadibna loo soo gudbiyo golaha Aqalka Sare, taas oo uu sheegay inay keeni karto dib u dhac weyn, waqtina aan loo heyn.

Senator Mowliid Guhaad ayaa sheegay inuu taageersan yahay qorshe ay Madaxtooyada gadaal ka riixeyso, kaas oo ah in fadhiyada labada Aqal ee baarlamaanka ay noqdaan kuwo u dhaca si wadajir ah, si hal fadhi ay ugu ansixiyaan sharciyada dalka.

Hase yeeshee guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka soo hor jeestay in labada Aqal ee baarlamaanka ay kulamo wadajir ah ku meel-mariyaan sharciyada ansixinta u baahan ee dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku adkeysanaya, sida markii horeba uu sharcigu ahaa in marka Golaha Shacabku soo ansixiyo sharciyada, kadibna loo soo gudbiyo golaha Aqalka Sare, taas oo hadda u muuqata inay khilaaf cusub ka dhex abuurtay guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa labaad.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi Maxamed awalba magaciisa qiil qiil magacxumo ah ku jiree muu labadaan aanan iyaga isaaminsaneyn iskaga haro. Sartiisa weyn uu dhisaayo iyo ganacsigiisa muu ku ekaado.

Cali Mahdi, Xasan Sheekh iyo Shariif oo ku kulmay Muqdisho

cali-mahdi-xasan-sheekh-iyo-shariif.jpg

Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa guriga uu ka deganyahay magalada Muqdisho waxa ay ku booqdeen Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, iyagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo hada hoggaamiya xisbiyada ku bahoobay Madadsha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed ugu tegay salaan iyo is xog wareysi waxayna si qotta dheer uga wada hadleen “baahida loo qabo in lala yimaad dadaal samata bixineed oo ku aaddan xaaladda uu hada dalku ku jiro” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay si gaar ah uga wada hadleen “Arrimaha doorashooyinka dalka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee dalka.”

Madaxdan ayaa sida lagu sheegay qoraalka isla qaatay in laga hor tago dhibaato kasta oo ku imaan karta habsami u socodka dowladnimo iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya “taas oo u baahan in laga hor tago, si looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.”

Waxyaabaha sida gaarka ah uga wada hadleen Madaxweyneyaasha waxaa ka mid ahaa “Inuu mira dhalo shirka u socda Beesha Mudullood, waxaana la dhiirra geliyey in shirarka nuucaas ah oo bulshadu uga tashaneyso aayaheeda la xoojiyo lana gaarsiiyo heer Qaran.”

Sidoo kala madaxda ayaa isla gorfeeyay baahida loo qabo dib u heshiisiin dalka ka dhacda guud ahaan si umadda Soomaaliyeed markale uga tashaadaan aayahooda gaar ahaan arrimaha taagan oo kamid yihiin doorashooyinka lagu wado inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.

Ugu dambeyntii kulankaas waxaa lagu falanqeeyey ‘shirarka beesha Muddullood uga socda Muqdisho iyo in baahi loo qabo in la dhiirri geliyo habsami u socodkiisa ayna gaaraan heer Soomaaliya oo dhan ah.’

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Openly ra'iisul wasaare la isku sharxaayo waa ii koow. Lobbying behind the scenes la isku ogaa, ninkaan Cosoble maalin caddeey isa soo xaadiriyey. This also tells one he was not real mucaarad but daneyste as all of them are.

_________________

Xubin ka tirsan Madasha Xisbiyada oo si lama filaan ah isugu sharxay R/Wasaare

Madasha-1-696x464-1.jpg

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid xubnaha mucaaradka, islamarkaana ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku soo taagay xilka ra’iisul wasaarenimo, kadib markii la riday xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Cosoble oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Ilays ayaa haatan bilaabay olole xoogan oo uu ugu jiro, sidii loogu magacaabi lahaa xil-ka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu duubabka dhaqanka Beesha Mudulood u soo bandhigay damaca uga jiro kursigaasi, si ay ula raadiyaan.

Go’aanka Cabdqaadir Cosoble oo mucaarad weyn ku ahaa madaxda dowladda ayaa dad badan lama filaan ku noqday, balse lama sida ay ugu dhalatay arrintan, maadaama saaxibadiisa ay si weyn uga soo horjeedaan dowladda federaalka iyo muddo kororsi.

Mr. Cosoble oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa horey isugu soo sharraxay xil-ka madaxweynaha Soomaaliya 2017-kii, gaar ahaan doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Tan markii Sabtidii xilka laga tuuray Xasan Cali Khayre, Soomaaliya ayaa gashay is-bedal siyaasadeed, iyada oo ay beesha caalamka dhankeeda soo saartay digniino culus.

Si kastaba ha’ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada wada-tashadii ugu dambeeyey ee magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo hada saadaalino kala duwan laga bixinayo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddii beri la yiraahdo yaa u sharaxan madaxweyne, kuligooda gacmaha ayee taagi lahaayeen. Isma aaminsana yet...

Kulan u socdo Xasan Sheekh, Shariif Xasan, Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Kulan xasaasi ah ayaa wuxuu hadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dhex marayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Kulanka oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey siyaasadda iyo marxaladda kala guurka ayaa wuxuu ka socdaa guriga uu Xasan Sheekh ka dagan yahay Magaalada Muqdisho.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u sheegay suurtagalnimada inuu kulankaan kusoo biiro madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, kulanka ayaa waxaa lagu gorfeynayaa sidii heshiis lagu mideysan yahay looga gaari lahaa nooca doorashada ee ka dhici doonto dalka iyo go’aanada ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe la hor tagi lahaayeen kulanka ay saacadaha soo socdo la yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madasha xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xoogga saarayo sidii looga qeyb gelin lahaa go’aanada iyo heshiisyada laga gaarayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto halka Dowladda Dhexe ay gebi ahaanba inkirtay in door laga siiyo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this report is to be believed, I can't believe ra'iisul wasaare Kheyre would join these tuugo:

Xubnaha mucaaradka oo ‘sameysanaya’ gole iyo baabul ka socdo Xamar

Musharaxiin.jpg

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ku aadan u diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee la filayo in dalka laga qabto sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeeed ka bilaabi doono Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay caasimada soo gaari doonaan siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ka maqan dalka, waxaana xubnahaasi ka mid ah:-

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir iyo Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa haatan Muqdisho ku sugan oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo maalmo ka hor dib uga soo laabtay safaro ay ku kala tageen wadamada Jabuuti, Kenya iyo Masar.

Sida ogaatay Caasimada Online waxaa socda qorshe gaar ah oo musharraxiintan oo dhamaan u taagan xilka madaxweynaha ku ‘sameysanayaan’ gole ay ku mideysan yihiin oo la filayo in looga dhowaaqo Xamar, waxaase ka horreeya shirar ay yeelan doonaan.

Ujeedka loo dhisayo golahaasi ayaa ah in musharraxiintu ay si isku mid ah ugu wajahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Si kastaba ha’ahaatee inta badan musharraxiinta ayaa horey uga horyimid dhismaha guddiyada doorashada, iyaga oo shaaciyey in lagu soo daray shaqaale ka tirsan madaxtooyada iyo askar ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Still calaacal ayee wadaan against kuwee isla jireen:

Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya habraac doorasho oo halis ah oo lasoo wado – Maxaa ku qoran?

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan berri, kadib markii ay warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro.

Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan, oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen.

Sida muuqata, musharaxiinta mucaaradka iyo madax goboleedyada oo markii hore isbaheysi ahaa ayaa hadda ku kala tagaya dano iyo damac siyaasadeed, waxayna noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran.

Dhinaca kale, guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal kooban oo uu facebook soo dhigay ku yiri “Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.”

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in hindisahan uu yahay qabyo qoraal, oo aanu weli guddiga kasoo bixin, taasi oo macnaheedu yahay in guddiga ay beeniyeen kaliya inuusan ayaga kasoo bixin, balse aysan beenin jiritaanka qabyo qoraalka.

Hindisaha Xulidda Ergooyinka Doorashada

A) Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeeynaya DXDF waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka diiwan gashan DXDF iyo Bulshada rayidka ah (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga), waxaana la hubinaya DXDF. 

Sidoo kale ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada iyo bulshada rayidka (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga) ee la isla ogolyahay, waxaana dabagalaya oo korjoogteynaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. 

B) Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah. 

C) Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka kursiga wadaaga. 

D) Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jufooyinka wadaaga ergada. 

E) Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama. 

F) Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadar-ogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha. 

G) Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah. 

H) Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, Iiiska ergada ee kursi kasta waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga hortago faragalinta argagixisada (Iyagoo ka hubinaya hey’adaha danbi barista) iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada. Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya hay’adaha amniga, waxaana korjoogteynaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

236664011_4174264785962354_5323552557791

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha midowga musharraxiinta oo kasoo horjeestay hab-raaca doorashada Aqalka Hoose

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen waxay kagasoo horjeesteen go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee doorashada looga hadlayay.

Golaha midowga musharraxiinta waxay diideen hab-raaca doorashada Xildhibaannada aqalka hoose, waxayna ku tilmaameen inuu baalmarsan yahay heshiisyadii arrimaha doorashooyinka ee horay loo galay, kuwaas oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si xor iyo xalaal ah.

Golaha musharraxiinta waxay ka digeen hab-raaca doorashada inuu horseedi doono colaad sokeeye iyo in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan natiijada doorashada.

Waxay ku baaqeen in duubabka dhaqanka loo madax bannaaneeyo soo xulista ergooyinka doorashada aqalka hoose islamarkaana dowlad goboleedyadu ku ekaadaan fududaynta iyo amniga doorashada.

2021823637652993901596766.jpg

Xigasho

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.