Sign in to follow this  
Deeq A.

YAA LEH EEDDA NABADGELYO-DARRIDA GAROOWE KA SOO CUSBOONAATAY?

Recommended Posts

Deeq A.   

Amniga Garoowe ayaa u muuqda inuu galay marxalad cusub ama qaaday wajhad ka duwan kuwii lagu yaqaannay, kadib markii muddooyinkii dambe ku soo badanayeen falalka la xiriira amni darrada, kuwaasi oo iskugu jira kooxo meelo qabsada, weeraro iyo dhac.

Muddooyinkii u dambeeyey dhowr jeer ayay kooxo hubaysani qabsadeen meelo muhiim ah oo ka mid ah bartamaha magaalada, kuwaas oo markii dambe lagaga kexeeyey waanwaan odayaal dhaqameed awgeed.

Dhacdooyinka amni daro ee bilihii u dambeeyey ka dhacay Garoowe haddii aannu qaar ka mid ah dul istaagno waxaa ka mid ah, bishii Maarso 2020 koox hubaysan ayaa saacad haystay agagaarka xarunta dowladda hoose ee Garoowe, kuwaas oo markii dambe kaga tagay wadahadal ay lagaleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, sababta ay meesha u qabsadeen ayaa la xiriirtay dhul dowladdu dumisay.

29 Maarso, 2020 qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qaraxiyey gaari uu watay Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, guddoomiayha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaaas oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga bartamaha Garoowe, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay sarkaal hore uga soo shaqeeyey booliska gobolka Nugaal, dowladdu waxay wali sheegtaa in ay baarayso falkii lagu dilay Guddoomiye Gu’jir.

Bishii Abriil 2020 kooxdii hubaysnayd ee aannu horey u soo sheegnay ayaa mar kale qabsatay halkii hore, saacado badan oo ay haysteen oo ay kala xireen isu socodka dadka iyo gaadiidka, mar kale ayaa baryo ay ka qeybqaateen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan lagaga kexeeyey goobtii, mana jiro xal laga gaaray arrintaas ilaa iyo hadda oo la ogyahay.

Bishan Maajo 11-keedii koox hubaysan oo afka soo duubatay ayaa dharaar cad xoog uga qaaday $19,472 shirkadda isgaarsiin Somtel ee Garoowe, mana jrto cid soo qabatay ilaa hadda kooxda dhaca hubaysan geysatay.

Xalay saqdii dhexe waxaa Garoowe dadka hurdada ka kiciyey rasaas xooggan oo ka dhacaysay inta u dhexeysa saldhigga bartamaha Garoowe iyo dowladda hoose, kaddib markii kooxo hubaysani ay weerareen saldhigga dhexe ee Garoowe, dad shacab ah oo xiligaas goobo ganacsi ay uga furnaayeen agagaarkaas ayaa khatar ku galay iska hor-imaadkaas.

Falalka amni darro ee caasimadda Puntland waxaa walaac weyn ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe, waxayna eedda dusha ka saaran tahay dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo waajibkeeda koowaad yahay ilaalinta nabadgalyada.

Garoowe ayaa horey uga mid ahayd magaalooyinka ugu nabadgalyada fiican Soomaaliya, hadaysanba ahayn magaalada kowaad, waxayna ahayd magaalo ka nabad-gashay qaraxyada iyo falalka kale ee amni-darro.

Way caddahay in beddelistii hoggaanka boolisku uusan noqon karin siyaasad wax lagaga beddelayo xaaladda amniga. Puntland madaxdeedu way siyaasadeeyaan hay’adaha ka madaxbannaan siyaasadda sida booliska. Inta taasi socoto eex iyo qof-jeclaysi baa beddeli doona karti iyo hufnaan.

PUNTLAND POST

The post YAA LEH EEDDA NABADGELYO-DARRIDA GAROOWE KA SOO CUSBOONAATAY? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this