Deeq A. Posted May 12, 2020 Degmada Dayniile ayaa xalay guul ka gaartay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle, kadib markii ay dhinaca dhulka u dhigtay degmada Heliwaa ee G/Banaadir. Labada degmo oo u dambeeyey group-ka B wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxaa ku gacan sarreeyey Dayniil oo guusha la hoyatay. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in Heliwaa oo ay la timid 8 dhibcood, halka tartamayaasha degmada Dayniile oo su’aalihii la weydiiyey intooda badan ka jawaabay, kuwa kalena ka faa’iideystay ay keensadeen 18 buundo. Dayniile iyo Xamarweyne ayaa ka soo baxay group-ka B oo ay ku wada jireen illaa afar degmo. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labada degmo ayaa tirsan group-ka C wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites