Deeq A. Posted May 10, 2020 Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay inay sii kordheen tirada dadka uu soo ritay Covid-19 ee deegaanada maamulkaasi. Warbixintaan oo uu warbaahinta la wadaagay wasiir ku xigeenka caafimaadka maamulkaasi, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa lagu sheegay in 24 saac ee la soo dhaafay xanuunka laga helay illaa 17 qof, kadib markii lagu sameeyey baaritaan caafimaad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka ay diiwaan-gelisay wasaaradda ay ka mid yihiin hal xildhibaan iyo hal wasiir oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dadkaasi ay kala joogaan Boosaaso oo laga diiwaan-geliyey 5 qof, Qardho oo iyana 5 ah, Waaciye oo 3 ruux laga diiwaan-geliyey, Garoowe iyo Gaalkacyo oo min laba qof ah. Tirada guud ayuu ugu dambeyn ku sheegay inay gaartay 76 qof, halka dhimashaduna ay mareyso illaa saddex qof. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-wasaarada-caafimaadka-puntalnd-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites