Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Galmudug ay sii deysay rag Shabaab ahaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray sarkaal Boolis ah oo ku saabsanaa in saldhigga Dhuusamareeb laga sii daayey xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa warbaahinta u sheegay in hadalladaasi ay yihiin wax aan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sarkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn, maadaana warkani uu dhaawacayo sumcada ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Bilihii la soo dhaafay taliska ciidamada Booliska Galmudug ayaa ku howlanaa tayeynta ciidamada Booliska ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this