Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiddigii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdiweli Gaatamow oo caawa la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw oo caawa ah lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye goolhayihii hore ee kooxda Banaadir iyo xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya Cabdiweli Colaad Gaatamow.

Marxuumka ayaa wuxuu Salaada Taraawiixda ku dukanaayay masaajid ku yaallo Degmada Afgooye, waxaana gudaha Masaajidka ugu galeen dabley hubaysan oo rasaas la dhacay.

Allaha u naxariisto Marxuum Gaatamow, ayaa hadda wuxuu ahaa Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, sidoo kalena waa shaqsi si wayn u garanayaan Bahda Sportiga dalka.

Arxanlaawayaashii dilay Marxuumka ayaa waxa ay ka baxsadeen Masaajidka dhexdiisa, kadib markii ay toogteen Marxuumka.

Dilka Marxuumkaan loo gaystay ayaa waxa uu muujinayaa in Kooxaha Manaxayaasha ah xittaa qofka uusan kaga badbaadeyn Masaajidka dhexdiisa oo ay ku dilayaan haddii uu dukanaayo iyo haddii kaleba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this