Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo ka tacsiyeeyey geerida Wasiir Axmed Gaabow

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray maamulka golayaasha iyo qoyskii  uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka  Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Marxuumka oo  sidoo kale ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this