Deeq A. Posted May 6, 2020 6-da May maanta oo kale sanadkii 2002-dii ayey aheyd markii si rami ah ay hawada u soo gashay shabakadda warbaahinta Shabelle, xilli markaasi ay adkeyd in Idaacad ay ka shaqeyso gudaha Soomaaliya, maadaama ay dalka ka jireen hoggaamiye Kooxeedyo. Shabelle ayaa dhabarka u xiratay baahinta warar, barnaamijyo iyo sheekooyin caan-baxay oo dhagaha bulshada in badan ay jecleysteen. Agaasimaha guud ee shabakadda warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamuud (Abuukar Sky) ayaa ka warbixiyey marxaladii kala duwanaa ee ay soo martay Shabelle. Sidoo kale agaasimaha ayaa Tacsi u diray halyeeyadii ka geeriyooday Shabelle, iyaga oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed. Idaacadda Shabelle oo sanadihii u dambeeyey horumaro ballaaran sameyneysay ayaa haatan yeelatay TV caalami ah, kaas oo laga daawado dunida oo dhan. Halkaan hoose ka dhageyso codka agaasimaha. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites