Sign in to follow this  
Deeq A.

Masaajidkii ugu horreeyay oo ku yaalla Somaliland oo laga joojiyey salaadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Boorama (Caasimada Online) – Masjidka Huda oo kamid ah Masaajidyada magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xalay si rasmiya looga joojiyey ku tukashada salaada Taraawiixda.

Culimada masjidkaasi gacanta ku haysa maamulkiisa ayaa sheegay inay markii ay ka tashadeen xaalada taagan, ay go’aansadeen in Masjidka laga xidho salaada Taraawixdo oo aan lagu tukan.

Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafayo bulshada badan.

Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masjidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masjidka, balse laga joojiyo un salaada Taraawiixda.

Go’aankaasi ayaa ku soo aadaya xili uu cudurka Coronavirus uu ku faafay deegaano ka tirsan Somaliland, iyada oo qofkii u horeeyay ee cudurkaasina ugu geeriyooday magaalada Boorama.

Masjidka Huda ee magaalada Boorama ayaa noqonaya masjidkii u horeeyay ee gudaha Somaliland laga joojiyo ku tukashada salaada Taraawiixda, xili uu hore u fashilmay qorshe ay xukuumada Muuse Biixi ku dooneysay inay ku joojiso in salaadaha lagu tukado masaajidyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this