Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Saciid Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa suxufiyiinta magaalada Muqdisho, islamarkaana ka howl-galyey Telefishinka Kalsan TV ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka weriye Saciid Yuusuf Cali oo ka dhacay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu geystay Nin Mindi sitay, mana cadda sababta u u dilay iyo waxa kala dhaxeeyay, isagoo u geeriyooday dhaawaca Tooreyuu afar jeer ku dhuftay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ninkii dilka u geystay Allaha u naxariistee weriye Saciid Yuusuf.

Saciid Yuusuf Cali ayaa da’diisa aheyd sodon jir, waxaa uu ka tagay labo carruur ah iyo xaas

Allaha u naxariistee Saciid ayaa Isniintii maanta warbixin ka diyaariyay daayay Macalin Iskuul oo lagu dilay degmada Afgooye, waxaana goobtiisa shaqo uu ka baxay 2-dii duhurnimo oo uu hoygiisa ku laabtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this