Sign in to follow this  
Deeq A.

Mossad oo la ogaaday inay ka dambeysay tallaabadii Jarmalka uu qaaday ee ka dhanka ahayd Xizbullah

Recommended Posts

Deeq A.   

Berlin (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka Israel ayaa lagu warrama in ay ka dambeysay go’aankii dhowaan Dowladda Germany ay liiska madow ugu dartay dhaq-dhaqaqa iska caabinta Lubnaan ee Xizbullah.

Xukuumadda Berlin ayaa khamiistii Xisbullah ku shaabadeysay “urur argagixiso,” waxaa ay mamnuucday dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ururka ee wadankan ku yaala Europe, waxayna Dowladdu amartay in la weeraro goobaha booliisku sheegaan in ay xiriir la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa.

Taleefishinka Channel 12 ee Israel oo soo xiganaya saraakiil aan la magacaabin oo Israel u dhashay ayaa baahiyay Sabtigii in  Mossad ay Germany siisay akhbaar ku saabsan dhaq-dhaqaqa Xisbullah ee dhulkeeda.

Telefeshinku waxaa uu sheegay, in hey’adda sirdoonka ay qaaday howlgallo bilo qaatay, si ay u qiimeyso howlaha dhaq-dhaqaaqa Xisbullaha ee Germany, waxayna Dowladda Germany iyo hey’adaha sharciga la wadaagtay natiijadeedii.

“Talaabadu waa najiitada shaqo bilo qaadatay ee dhammaan qaybaha Germany. Madaxda hey’adda waxaa laga doonayay in ay soo jeediyaan caddeyn iyo sharciyad la xiriirineysa ururka howlo argagixiso, waana midda aan sameynay,” ayuu yiri sarkaal hadlay.

Sida uu sarkalku sheegay, madaxa hey’adda sirdoonka ee Germany Bruno Kahl waa saaxiib aad ugu dhow hey’adda sirdoonka Mossad.

Xukuumaddda Berlin waxaa ay muddo dheer taageere u ahayd Yahuudda, iyadoo siineysay balaayiin dollar taas oo u ogolaatay Israel in ay qabsato Falastiin, sababtoo ah waa magdhowga xasuuqii Nazigii Jarmalka uu u gaystay Yahuudda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this