Deeq A. Posted May 4, 2020 Degmada Dayniile ee gobolka ayaa noqotay hoggaanka degmooyinka ku wada jira group-ka B ee tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle, kadib markii ay xalay tartan adag la gashay dhiggeeda degmada Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir. Labadaan degmo ayaa isaga hor yimid is-araga labaad ee wareega koowaad, tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dayniile ayaa keensatay 12 dhibcood, halka Xamar-Weyne ay la timid 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay natiijada, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Degmada Dayniile ayaa horay uga soo badisay dhiggeeda Balcad, waxaana ay sidaasi ku noqotay horyaalka afar degmo ee ku wada jira groupka- B, halka Xamar-Weyne ay lugtii hore barbar dhac la soo gashay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dhanka kale waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle ku madlan degmooyinka Heliwaa iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe. Heliwaa ayaa horay barbaro ula soo gashay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir, halka Balcad laga badiyey, kadib markii ay isku beegmeen Dayniile Taaba-gelinta sanadkan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites