Deeq A. Posted May 4, 2020 Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jowhar ee caaamimada maamul goboleedka HirShabelle. Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin dhowr oo hoostaga magaaladaasi, iyadoona ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi. Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in wabiga Shabelle uu ku sii fataho deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sawirro laga soo qaaday deegaanada uu saameeyey wabiga Shabelle ayaa muujinaya in fatahaado ay tahay mid xoogan, islamarkaana ay biyuhu ku socdaan, si xawli ah. Dhowaan HirShabelle ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ka gacan siiyaan ka hortagga fahaada wabiga Shabelle ka sameeyey Jowhar. Share this post Link to post Share on other sites