Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo laba arrin oo muhiim ah u ballan-qaaday suxufiyiinta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo bahda warbaahinta Soomaaliyeed u diray farriin ku aadan maalinta saxaafadda xorta ah, ayaa sameeyey laba ballan-qaad oo muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta.

Waxa uu sidoo kale u ballan-qaaday suxufiyiinta Soomaaliyeed, in dowladdu aysan u dulqaadan doonin meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, ay sii wado doonto dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta. Hoos ka aqriso farriinta madaxweynaha oo dhameystiran.

Xubnaha sharafta leh ee Bahda Warbaahinta

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Warbaahinta awgeed, waxaan bahda saxaafadda la qaybsanayaa xuska maalintan.

Munaasabaddan weyn waxaan uga faa’idaysanayaa inaan xuso shaqada tayadeedu sarreyso ee aad haysaan taasi oo door muhiim ah ka ciyaarta dib u qaabaynta sawirka laga haysto dalkeenna.

Waanu ku faannaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo kuwa dibadda ka hawlgala, dadaalkooda joogtada ah awgiis ayayna innoogu suurtagashay inaan qaabayno mustaqbalka qarankeenna.

Weriyayaashu safka hore ayay kaga jireen wax ka qabashada dhammaan masiibooyinka dalkeenna ka dhacay oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee Cudurka Karoona (COVID-19).

Warbaahintu waxay lagama-maarmaan u tahay dowlad wanaagga, waddaniyadda, dib u dhiska qaran iyo midnimada.

Waxaadna ogaataan in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta.

Dowladdu uma dulqaadan doonto meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, waxayna sii wadi doontaa dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta, iyada oo laga fogaanayo dhammaan noocyada kala duwan ee tacaddi ee ka dhan ah warbaahinta kuwaasi oo ku salaysan aragtidooda siyaasadeed.

Aynu sii wadno u adeegista dalkeenna, maxaa yeelay xirfaddan sharafta leh waxay muhiim u tahay barwaaqo-sooranka dalkeenna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this