Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee CORONAVIRUS

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey cudurka halista badan ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi.

Dr Jaamac ayaa shaaciyey in baaritaan lagu sameeyey illaa 20 qof, islamarkaana xanuunka laga helay 12 ka mid ah.

Wasiirka ayaa xusay in 9 ka mid ah dadka laha helay Covid-19 ay rag yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin haween.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka laga helay xanuunka ay da’dooda u dhexeyso 15 illaa 65 sano jir, kuwaasi oo ah dad aan safar gelin

Sideed ka mid ah 20-ka ruux ee la baaray cudurka faafa ee Coronavirus ayuu sheegay in laga waayey cudurka.

Tirada guud Covid-19 ee deegaanada Puntland ayaa haatan caga-cageyneysa illaa 23 ruux, waxaan u geeriyooday xanuunka hal bukaan oo ku noolaa degmada Galdogob.

Warbixintan oo ah tii u dambeysay ayaa muujineysa in deegaanada Puntland uu ku sii faafayo cudurka halista badan ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this