Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka mid ah maamulka Gedo oo xilka laga qaaday iyo qaar ku gacan seeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga ee Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo gaaray degmada Garbahaarey ayaa xilalkii waxaa uu ka qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo.

Macalimow ayaa sidoo kale magacaabey guddoomiyeyaal cusub iyo ku-xigeenadooda, sida ku cad warqad uu soo saaray.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Macalimow ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe, waxaana xilkaasi loo magacaabey Xasan Sheekh Cilmi Faarax. Sidoo kale waxaa la magacaabay laba guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayaha degmada.

Macalimow ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Xuseen Muxumed Cali, waxaana xilkaas loo magacaabey Cali Shariif Cabdullaahi.

Dhinaca kale, guddoomiyihii degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyey, isaga oo sheegay in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee degmada Garbahaarey.

Arrintan ayaa hadda xiisad cusub ka abuurtay gobolka, oo markii hore ay ka taagneyd xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.

Hoos ka akhriso wareegtooyinka xilka qaadista iyo magacaabista.

FB_IMG_1588333680093.jpg FB_IMG_1588335351974.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this