Deeq A. Posted May 1, 2020 Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Augustine Mahiga, ayaa Jimcada maanta ah wuxuu ku geeriyooday caasimadda dalkiisa Tanzania ee Dodoma. Illaa iyo haatan, lama shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhimashadda diblumaasigan. Madaxtooyadda dalka Tanzania ayaa war-saxaafadeed ku shaacisay Mahiga uu xanuun kusoo boodey isagoo jooga gurigiisa isla markaana uu dhintay markii Isbitaal loola caray. John Magufuli, madaxweynaha Tanzania, ayaa sheegay in uu murugada la wadaagayo qoyska iyo asxaabta Mahiga. Augustine Mahiga oo dhashay taariikhdu markii ay ahayd 28-ka bishii August ee sanadkii 1945 ayaa ahaa wakiilka UN-ka ee Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2010 illaa iyo 2013. Waqti xaadirkaan wuxuu ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Dodoma. Intii u dhaxeysay sanadihii 2015-kii illaa iyo 2019-kii, wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania. Hoos ka dhageyso warbixinta warkan https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Mahiga.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites