Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Nabadoonada gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo weli ku sugan magaalada Qardho, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka in dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in daadadku soo galaan magaaladda.

Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka

  • 10-3.jpg?fit=1000%2C558&ssl=1
  • 9-5.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6-12.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 5-13.jpg?fit=1000%2C607&ssl=1
  • 4-13.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 3-17.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 2-18.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 1-27.jpg?fit=1000%2C642&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Nabadoonada gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this