Deeq A. Posted April 30, 2020 Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay daadad ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, isaga oo ku baaqay in loo gurmado. Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadkii ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada iyo daadadka ka dhashay roobabka, isla markaana la iska kaashado sidii kaalmo bani’aadanimiyo loo gaarsiin lahaa dadkaas. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa, Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”ayuu yiri Sheekh Shariif. Wabiga Jubba ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ka barakacay dad farabadan. Share this post Link to post Share on other sites