Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo hal milyan oo Doolar gaarsiisay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan Hal Milyan oo Doolar gaarsiisay Puntland si loogu taakuleeyo dadka ay saameeyeen daadadka ku soo rogmaday magaalada taariikhiga ah ee Qardho.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Xasan Shire Cabdi, wasiirka maaliyadda Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in ay gaartay lacagtaas.

Qardho waxaa todobaadkan harqiyey fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah. Burbur maaliyadeed, xarumo ganacsi iyo guryo ayaa sidoo kale ka dhashay. Lix oo saddex caruur yihiina way ku dhinteen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this