Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehlinayaan, Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo ka mid ah Isbedal-Doonka maamulkaasi ayaa maanta ku laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Badqabka bulshada iyadoo la ilaalinayo ayaa waxaa madaxweynaha iyo xubnaha kale ee la socday ay mareen baaritaan caafimaad, waxaana kadib uu xariga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu si wanaagsan ku soo dhammaaday heshiiskii ay dhowaan gaareen xubnaha golaha Isbadal-Doonka iyo hoggaanka sare ee Jubbaland.

Axmed Madoobe aya sidoo kale intaasi ku daray in heshiiskaan uu suura-gelinayo in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo midnimo ku gaari karaan horumar ballaaran.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Jubbaland kala dhexeeya dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inay diyaar u yihiin in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay, si meesha looga saaro isfaham la’aanta.

Ugu dambeyn Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo yareeyo fidista cudurkaasi.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-

Madoobe 95056873_2622655728003739_6932592843747753984_n 95070418_2622655791337066_920887498463248384_n 95121887_2622655758003736_3633879504528605184_n95137204_2622655811337064_7861915146879238144_n

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this