Deeq A. Posted April 29, 2020 Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehlinayaan, Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo ka mid ah Isbedal-Doonka maamulkaasi ayaa maanta ku laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Badqabka bulshada iyadoo la ilaalinayo ayaa waxaa madaxweynaha iyo xubnaha kale ee la socday ay mareen baaritaan caafimaad, waxaana kadib uu xariga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu si wanaagsan ku soo dhammaaday heshiiskii ay dhowaan gaareen xubnaha golaha Isbadal-Doonka iyo hoggaanka sare ee Jubbaland. Axmed Madoobe aya sidoo kale intaasi ku daray in heshiiskaan uu suura-gelinayo in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo midnimo ku gaari karaan horumar ballaaran. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Jubbaland kala dhexeeya dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inay diyaar u yihiin in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay, si meesha looga saaro isfaham la’aanta. Ugu dambeyn Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo yareeyo fidista cudurkaasi. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites