Sign in to follow this  
Deeq A.

MAHAD SALAAD oo xog ka bixiyey ‘sababta dishay’ 9-kii qof ee ku dhintay Martiini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in dadkii xalay ku geeriyooday isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho ee sagaalka qof ahaa ay u dhinteen “dayacaad iyo daryeel la’aan” ka jirta isbitalka.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dayacaadda iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini yaan dusha laga saarin Isbitaalada gaarka loo leeyahay.”

Wasaarada caafimaadka ayaa maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho, taasi oo lagu daray in dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka COVID-19 ay xilli hore usoo gudbiyaan Isbitalka Martiini.

Hase yeeshee Mahad Salaad ayaa yiri “Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah.”

Waxa uu intaas ku daray “Haddaba su’aashu waxay tahay dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka ma lagu eedayn karaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ehelada dadkoodu xanuunkaan qabaan ay daryeel caafimaad badeen iyaga oo ka cabsi qaba dayacaada iyo daryeel la’aanta kajirta Isbitaal Martiini?”

Mahad Salaad ayaa ugu intaas ku daray inuu ugu baaqayo xukuumadda in ay xil gaar ah iska saarto badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon “igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this