Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo markale gargaar u soo dirayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal kooban oo uu soo saaray safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayuu ku sheegay in uu saxiixay deeq gargaar caafimaad oo uu markale Turkiga u soo dirayo Soomaaliya.

Danjire Caydiid ayaa qoraalkiisa ku xusay in gargaarka caafimaad ee Turkiga u soo dirayo Soomaaliya lagu kabi doono dedaalada lagu xakameenayo faafitaanka Coronavirus.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Ankara danjire Jaamac Cabdulaahi Caydiid ayaa tilmaamay in gargaarka caafimaad ee Turkiga uu Soomaaliya u soo dirayo ay isugu jiraan qalabka hawa siinta neefsiga ee Ventiletarka loo yaqaano, dawooyin iyo agabka ay isticmaalaan dhaqaatiirka ku howlan la tacaalidda bukaanada uu haleelo COVID-19.

Danjire Caydiid ayaa Turkiga uga mahd celiyay taageerada ay la garab taaganyihiin dowladda iyo Ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu Turkiga yahay saaxiib dhab ah oo Soomaaliya ay leedahay.

Si kastaba ha’ahaatee gargaarkan caafimaad ee Turkiga uu markale Soomaliya u soo dirayo ayaa noqonaya midkii labaad ee uu Soomaaliya ugu deeqo bishan April, xili dhowaan Muqdisho ay soo caga dhigatay diyaarad xamuul ah oo siday gargaar caafimaad, taas oo ka timid Turkiga.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diplumasiyadeed oo wanaagsan, waxaana Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhigga Milatari ee ugu weyn ee uu ka sameysto meel ka baxsan dalkiisa, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya uu ka caawiyo dhinacyada tababarka ciidamada, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this