Deeq A. Posted April 25, 2020 Hay’adda cunada adduunka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ku dhowaad 20 Milyan oo ruux oo ku nool dalal ay ku jirto Soomaaliya ay haatan wajahayaan cuno yari baahsan. Warbixinta WFP ayaa waxaa lagu xusay in Malaayiintaasi ruux ee wajahaya cuno yarida baahsan ay ku kala noolyihiin wadamada Somalia, Ethiopia, South Sudan, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Djibouti iyo Eritrea oo uu dhammaantood ka jiro Corona. Sidoo kale warbixinta hay’adda cunada aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in dalalkaasi dhaca geeska Africa uu saameyn xoogan ku yeeshay Coronavirus, sidoo kalana ay ka soo kabanayaan abaaro iyo fatahaado ku dhuftay dalalkaasi sanadkii hore ee 2019-kii. Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga cabsi qabo in ay kordhaan dadka cunada yarida wajahaya, islamarkaana ay gaarto illaa 50 Milyan oo ruux, sababo la xiriira saameynta cudurka faafa ee COVID-19 uu ku yeelan karo howlaha gurmadka ee loo fidin karo Malaayiintaasi ruux ee haatan u baahan gargaarka bani’aadanimo. Hay’adaha gargaarka ayaa horay uga digay in dadka ku barakacay gudaha dalka ay noqon karaan kuwa ugu nugul inuu ku dhex faafo cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, maadaama aysan jirin wacyi-gelin toos ah oo ay helaan dadka barakacayaasha ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka, waxaana hay’adaha caafimaadka, kuwa samafalka iyo dowladda dhexe ay sameynayaan wacyi-gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta uu u geysan karo cudurkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites