Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari xalay dil ka geystay Muqdisho oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanka ku soo dhigeen askari xalay laba qof oo shacab ahaa ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in askariga la qabtay uu si bareer ah u toogtay labadaasi qof, islamarkaana la soo taagi doono maxkamad.

“Ciidanka Bolsika saldhiga degmada Boondheere waxeey gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan isla Booliiska saldhiga Degmada Boondheere oo xalay laba qof oo shacab ah si bareer ah ugu toogtay isgooska jubo.” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska.

Dilka loo geystay labada qof oo dhacay xala fiidkii ayaa sababay dibadbax ay magaalada Muqdisho ka dhigeen boqolaal shacab ah oo ka careysnaa toogashadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this