Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo soo saartay go’aano la xiriira masaajidda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aano ka kooban illaa 24 qodob ku socda Masaajidda dalka, lana xiriiro cudurka Coronavirus.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa talooyin muhiim ah loogu jeediyey Imaamyada Masaajidda iyo dadka ku tukanaya ama ku cibaadeysanaya.

Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in Masaajidda loogu deeqo qalabka lagu baaro heer kulka qandhada qofka, lana baaro dadka galaya, in la badiyo Qur’aan aqriska, in qofka Muslimka ah uu ku tukan karo gurigiisa marxaladaan oo kale.

Sidoo kale wasaarada ayaa shaacisay inay xaaran tahay in qof qaba cudurka ama isaga shakiyey uu tago Masjidka.

Ugu dambeyn Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta ayaa amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka.

Halkaan hoose ka aqriso:-

11-1 22-133-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this