Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof Looga Shakisanaa Cudurka Coronavirus, Lana Karantiilay Oo Ku Geeriyooday Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Guddiga Puntland u qaabilsan Ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in qof looga shakisanaa COVID-19 uu geeriyooday, iyadoo baadhitaankii laga qaaday ay ka dhineyd natiijadiisu.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga COVID-19 ayaa lagu sheegay in qofkan uu karantiil ahaa, iyadoo aanay sheegin halka uu ku geeriyooday, balse lagu caddeeyay qoraalka inuu ku geeriyooday deegaanada Puntland.

Sidoo kale qofkan karantiilka ku jiray ee geeriyooday natiijadiisa baadhitaan la sugayay, lana filayo in maanta la helo natiijadaas.

Haddii la caddeeyo inuu u dhintay COVID-19 waxaa uu noqon doonaa qofkii u horreeyay ee ugu geeriyooda deegaanada Puntland cudurkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this