Deeq A. Posted April 22, 2020 Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku soo dhOweeyey kulan muuqaal oo ay yeesheen Ra’iisul wasaare Xasan Cai Khayre iyo xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Warka ka soo baxay UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka ay muuqaalka ku yeesheen xubnaha beesha caalamka iyo Ra’iisil wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu muhiim u yahay wax ka qabashada xaaladaha cudurka Coronavirus ee ka jira dalka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay sida xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ay u ballan qaadeen garab istaagga dowladda Soomaaliya oo ku howlan xakameynta cudurka saf-marka ah ee COVID-19, oo ku dhawaad illaa 300 boqol oo kiis ay xaqiijiisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee shalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, safiirada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa yeeshay kulan muuqaal ah, waxayna ka wada hadleen xaaladaha Coronavirus. View the full article Share this post Link to post Share on other sites