Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah bukaano ku jiray xarun karantiil oo ku taal Garoowe oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hor tagga cudurka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland, ayaa sheegay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarun dadka lagu karantiilo uu geeriyooday, iyadoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka dheecaan laga qaaday marxuumka maalmo kahor.

Waa qofkii labaad oo hab nuucaas ah ugu geeriyooda deegaanada Puntland, waxaana bishii lasoo dhaafay geeriyooda qof la tilmaamay in uu lahaa calamaadaha lagu garto xanuunka Corona, inkastoo marxuumkaas aan laga qaadin wax dheecaan ah oo aan lagu sameyn baaritaan.

Guddiga ka hor tagga COVID-19 ee Puntland faahfaahin buuxda kama bixin qofka geeriyooday ee looga shakisanaa in uu qabay Coronavirus.

Dhinaca kale waxa uu shaaciyey guddigaas in 9 qof oo cusub saacadihii u dambeeyey lagu karaantiilay xarun ku taalla magaalada Garowe.

Puntland waxay baaritaanada dadka looga shakiyo cudurkan u dirtaa meel ka baxsan deegaanadeeda, maadaama aysan heysan qalabka lagu ogaado, waxaana illaa hadda laga helay deegaanada Puntland hal kiis oo Coronavirus ah.

Haykal Daahir Cumar waa bukaanka kaliya ee laga helay xanuunka Corona deegaanada Puntland, waxuuna sheegay in xaaladiisu ay soo hagaageyso rajo wanaagsana uu ka qabo in maalmaha nasoo aadan uu ka bogsado xanuunkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this