Sign in to follow this  
Thierry.

The Father of the Somali Army

Recommended Posts

Thierry.   

General Daud Abdulle Hirsi

 

General2.gif

 

SomXoogga%20Dalka.gif

 

 

The First Commander of Somali Army"

“The Father of Somalia's Army”

“A Somali National Hero”.

 

What they say about him:

…….He was the right person in the right position. He was a Just and Honest…..

…….If there is any award for Somaliness, He will be the first Candidate………

…….We can say he was a Mudulood, but He was a real SOMALI

…….He was the extra man in the Somali Military………

…….General Daud was a “Somali National Hero”………

…….He was “The People’s Choice”………

 

Upon hearing the news about the death of General Daud,

Mohamed Siyad Barre said:

“Midowga Sofiyeeti waxaa ka dhintay Saxiibkooda Koowaad”

“Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka dhintay Wiil Baari ah”

“Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka dhintay Aabohooda”

Saraakiishi ugu horeysay ee dalka Soomaaliya

 

 

General Daud : “Allah ha u Naxariisto, Janna Fardowsa Allaha ka waraabiyo. Aamiin.”

Jen. Daa'uud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan degmada Ceel-dheer san-adkii 1924-kii wuxuuna ka dhashay qoys ku xeel dheer diinta Islaamka, markii uu dhashayna re-erkiisu aad ayay ugu far-xeen, xoolo badan oo lo-ogu waqlayay qaar bad-anna loogu duceeynayay ayaa la qalay.

Jeneralku wuxuu ku soo dhex koray laba waalid oo aad u jecel oo si aad iyo aad ah u kool koolin jiray isla markaasna ku dhex jira bey'ad aad u deggan.

Wuxuu u dhaxayn jiray intuu yaraa baadiyaha iyo tuu-ladaas uu degganaa, waxa-ana ka soo muuq-day yaraantiisii inuu jecel yahay oradka, dabaasha, farad koridda iyo baac-sashada ugaadha sida co-wsha iyo deerada, galbi-hiina wuxuu u soo noqon jiray gurigiisa isagoo aad iyo aad u daa-lan.

Markii uu soo barbaaray Daa'uud C/dule Xirsi ab-bihii ayaa geeyay dugsi qur'aan oo uu macallin ka ahaa Sheekh lagu ma-gaacabayay Macallin Ca-li, kaasoo ka tirsanaa cu-lumaa'udiinka ugu cans-an nawaaxigaas.

Daa'uud C/dule Xirsi wu-xuu subax kasta raaci jiray carruur ay isku da'-yihiin ilaa uu qur'aankii ugu xi-fdiyo hor u jeed ahaan kaddibna ilaa sad-dex jeer uu qur'ankii dha-mmeeyo, dugsigiina uu kabiir ka noqdo, Maca-llinkiisiina ugu noqdo gacantiisii midig, intaas waxaa u garab socday ba-rashada culuunta diiniga ah, wuxuuna iska xaadirin jiray masaajid ku dhowaa degmadaasi, kaddibna wuxuu ugu sii talaabay degmada B/Burde halkaa-soo uu ka helay shaqo fudud gaar ahaan xafiiska guddoomiyihii degmada ee Talyaaniga ahaa hal-kaasna ka shaqeynay-ay

ilaa iyo muddo. Markii Talyaaniga ku duulay Abissinia (Ethiopia) ayuu dhowr goor u kicitamay dhulkaas Soomaalida Galbeed meeshaas ayuu Allaha qadiriyay in uu kula kulmo gabadhii eey isguursan lahaayeen, meeshaas ayuu ku guursaday ka dibna reerkiisa ka soo kaxeeyay uu keenay dalka Somalia magaalada Gaalkacyo, isla magaaladaasna ugu dhasha wiilkii curradkiisa loona bixiyay Ismaaciil. Ilaa iyo muddo ayuu u dhaxeeyay Buulo Burte iyo Gaalkacyo asagoo shaqadiisa wato. Markuu gaaray darajadii Isbitoore ayaa loo badalay magaalada Muqdisho.

1954-kii ayuu ku soo laa-btay Dalka, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca Booliiska kaddib-na wuxuu ka qeyb galay diyarintii ciidammadii xo-ogga Dalka Soomaaliyeed ilaa uu ka qaato darajada Jereralnimo.

Ilaa uu ka geeriyoodo wuxuu noloshiisii siiyay dhismaha iyo horumarinta xoogga Dalka Soomaal-iyeed, heerka uu gaarsi-iyayna sida ay qabaan sarakiisha Soomaaliyeed ma jirin shakhsi gaarsii-yay.

Jen. Daa'uud wuxuu ahaa nin ALLE ka cabsi bad-an, isagoon hal jalaad oo qur'aan ah dhammeyn weligiis ma shaqo tagi jirin, ciidanka uu mad-axda u yahayna meel ka-sta ha ku sugnaadee waa uu u caddaalad fali jiray, wuuna u nuglan jiray, ta-asna ayay ahayd arrinta keentay in ciidanka Soo-maaliyeed meel kasta oo ay jo-ogaan inay ka samri waayaan ay xusuusnaad-aan ilaa haatan.

Allaha u naxariistee Jen. Daa'uud wuxuu ku gee-riyooday sanadkii 1965-tii magaalada Mooska ee dalka Ruushka iy-adoo Soomaalidoo dhan u barooratay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this