Deeq A. Posted April 21, 2020 Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta beenisay in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus laga helay gobolka Mudug. Wasiirka wasaaraddaasi, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa Shabelle u xaqiijisay in been abuur uu yahay warka sheegaya in kiis ka mid ah cudurka laga helay maamulkaasi. Sidoo kale Naciimo ayaa tilmaamtay inuu jiro qof laga shakiyey, islamarkaana loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/War-Cali-gaab.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites