Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo beesha caalamka ka dalbatay in la weeciyo barnaamijyadii qorsheysnaa ee lagu caawinayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee lagu caawinayey Soomaaliya loo leexiyo la-dagaalanka cudurka Coronavirus iyo caawinta dadka uu sameeyey.

Dalabkan ayaa waxaa jeediyey Ra’iisul Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan dhanka mareegta Interneetka la yeeshay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.”

Codsiga Kheyre ayaa waxaa aqbalay Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ee kulanka ka qeyb-galay, kuwaas oo ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

Khayre ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Kheyre oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this