Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir oo shaaca ka qaaday qorshaha ay madaxda Ahlu-Sunna u joogaan Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Naiorbi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah Masuuliyiintii Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe (Galmudug), ee looga itaalka roonaaday dagaalkii magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in ujeedka ay u joogaan Nairobi uu yahay mid shaqo.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay inau kulamo la leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.

Waxa uu shaaca ka qaaday in inta badan xubnaha Ahlu-Sunna, marka laga reebo dhowr mooyee, ay ku sugan yihiin deegaanada Galmudug, ayna sii wadi doonaan inay difaacaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Shaakir ayaa dhinaca kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay uga baxday heshiiskii ay la galeen, si ay si buuxda ugu qabsato awoodda Galmudug.

Waxa uu sheegay inuu ballan-qaadayo in Galmudug ay midowdo oo ay hal noqoto, haddii sida uu sheegay ay dowladda federaalka ogolaato in wax la wada yeesho, oo la wada dhisto.

Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Shaakir

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/560b7020-fd60-4db9-a643-c4695047aa1d_48k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this