Deeq A. Posted April 20, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ku sugnaaa labo maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxyadaasi oo saddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, halka ruuxa kale uu ahaa askari. Sidoo kale waxaa wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxyadaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gobolkaasi, walow aysan weli ka hadlin miinooyinka ka dhacay degmada Awdheegle ee Sh/Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites