Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay degmada Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka qaraxyo nooca miinada ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ka kala dhacay labo maqaaxi oo ku taalla degmadaasi, xilli ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaasi ku dhintay ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, halka ruuxa kale uu ahaa askari.

Sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay weeraradaasi qaraxyada ah ayaa sheegay inay wadaan haatan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen.

Awdheegle oo ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada ayaa ka mid ah meelihii u dameebeeyey ee ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta badan Al-Shabaab ayaase weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this