Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS oo jirdilay wariyeyaal ka tirsan Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa caawa jirdil aan loo meel-dayin u geystay wariyeyaal ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Falkaan foosha xun ayaa ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto, degmada Hodan ee gobolka Banaadir xili ay suxufiyiinta kusoo wajahnaayeen xarunta kadib markii ay howlo shaqo kasoo laabteen.

Suxufiyiinta ayaa kala ah; Cabdinaasir Cabdiraxmaan Maxamuud, Cabdikariin Ciise Cadaawe iyo Faadumo Cabduqaadir Xasan.

Ku dhowaad saddex askari oo ka tirsan ciidamadda ayaa si wadar ah ugu gacan-qaadey Cabdinaasir oo ah wariye iyo farsamayaqaan, iyagoo aan waydiin waxa uu yahay iyo aqoonsigiisa shaqo.

Askar kale oo ku sugneyd goobta ayaa qoryo kuwada qabtay Cabdikariin oo ah wariye iyo filim-qaade, si lamid ah Faadumo, oo ah wardoon iyo barnmaaij soo saare ka tirsan Raadiyaha iyo Telefishinka Shabelle.

Xadgudubkaan ayaa qeyb ka ah gabood-falo ay ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay kula kacayeen wariyeyaasha madaxa banaan ee ka howlgala caasimadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in wariyeyaasha loo ogol yahay in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan habeenkii maadaama magaaladda bandow loogu soo rogay fayruska Corona dartiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this