Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug iyo DDS oo 13 qodob kasoo saaray colaada ka taagan xuduuda labada maamul

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Labadii maleeshiyo beeleed ee maalmihii lasoo dirirtu ku dhex martay xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlada deegaanka Soomaalida ayaa maanta heshiis ka kooban 13 qodob ku kala saxiixday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdi ka socday dowlad deegaanaka Soomaalida ayaa shalay soo gaaray magaalada Cadaado, waxaana halkaas ka bilaawday kulamo xal loogu raadinayo colaada kasoo dhex cusboonaatay labada maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay dad badan iska dilay.

Mas’uuliyiin ka kala socday dowlad goboleedka Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa labada dhinac u kala saxiixay heshiiskan ka koobnaa 13-ka qodob .

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ugu muhiimsan in hubka dhigis lagu sameeyo  labada maleeshiyo beeleed, wixii hub sharci darro ah ee lagu arko xaduudahana ay la wareegaan ciidamada federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

In guud ahaan xaduudka labada dal uu noqdo mid ka caagan hubka iyo abaabul ciidan beeleed.

In arrimaha xaduudaha labada dal ay ka hadlaan guddiyada xaduudaha ee labada dawladood ama cidda ay wakiishaan.

In qofkii ama ciddii fal dambiyeed ka geysata xaduudka ay iska kaashadaan soo qabashadiisaa labada dawladood.

Heshiiskaas xalka loogu raadinayo colaada kasoo cusboonaatay xuduuda Galmudug iyo dowlad deegaanka oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda deegaanada labada maamul ayaa waxaa saxiiixay 10 xubnood oo kala metelayey labada dhinac.

Dhanka dowlad goboleedka Galmudug waxaa u saxiixay heshiiskaas xubnaha kala ah.

1- Wasiirka arrimaha gudaha Duraan Cabdi Samatar

2- Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Daahir Shidane Cabdi

3- Cumar Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye)

4- Gen. Cabdi Jaamac Cabdulle la taliyaha Madaxwaynaha Galmudug ee dhanka amniga

5- Korneyl Mahdi Cumar Muumin Taliyaha NISA ee qeybta Galmudug.

Halka dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ay u saxiixay heshiiskaas xubnaha kala ah.

1- Wasiir ku xigeenka amniga Cabdullaahi Muxumed Cabdi

2- Cabdinaasir Maxamed Cabdulle

3- Badal Xirsi Maxamed la taliyaha dhanka amniga ee Madaxwaynaha DDS

4- Korneyl Deeq Cumar Cabdi madaxa maamulka iyo lacagta DDS

5- Korneyl Xaashi Ibraahin Cawaale Taliyaha Gaaska 3-aad ee ciidamada dowladda faderaalka Itoobiya.

Hoos ka aqriso qodobada heshiiska oo dhameystiran

1-1.jpg 2.jpg 3.jpg

a-4.jpg b-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this