Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Taliye ku xigeen Boolis u magacaabay Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliye.gif?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye ku xigeen Boolis u magacaabay gobolka Karkaar.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loogu magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Karkaar.

Madaxweyne Deni ayaa 4-tii bishan April, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar u magacaabay G/sare Cabdi Casayr Yuusuf, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyey qaar kamid ah taliyeyaal qeybeedada gobolada.

Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Taliye ku xigeenka.

Garoowe: 19, April, 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay.

PUNTLAND POST

The post Deni oo Taliye ku xigeen Boolis u magacaabay Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this