Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo xog cusub ka bixiyey wada-hadallada DF iyo Somaliland iyo arrin ay dalbatay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa wareysi dheer oo uu siiyey laanta af-Soomaaliga ee VOA waxa uu qeybtan uga hadlay doorkooda dhex-dhexaadineed ee wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu sheegay in doorka Turkiga ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid dhex dhexaad ah, balse Somaliland ay dalbatay oo kaliya in wada-hadallada loo dhigo qaab ka duwan sidii hore.

“Somaliland waxay codsatay in arrinta loo dhigo qaab ka duwan sidii hore, waxaana cadeynayaa Somaliland in aysan anaga na diidaneyn sababta oo ah Somaliland waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ku saabsan mowduucan, ka sokow kalsoonida aan isku qabno, waxay codsadeen in hab ballaaran lagu wado arrintan, oo dhinacyo kale laga qeyb geliyo.”

“Anaga dhankeena mowduucan waan baarnay waxaana kala hadalnay dowladaha qaar,” ayuu yiri.

Danjire Mehmet ayaa sheegay in Turkiga markii hore uu arrinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsanaa jiray safiirkii isaga ka horeeyay, isla markaana uu horay labada dhinac ugala kulmay arintan.

“Dabcan halka ay haatan  mareyso waa marxalad aad muhiim u ah, kaliya waxa ay u baahantahay in la isku duba rido oo la dhameystiro, maxaa yeelay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxa uu leeyahay dhinacyo kala duwan sida siyaasadda iyo warbaahinta iyadoo ay jiri karaan heerar aqoon-yahanno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mehmet Yılmaz safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorka arrintan ay ku leedahay dowladda Turkiga uu yahay mid dhex dhexaadineed, sidaas darteedna dadka howshan qaban doona oo hagi doona ay yihiin dhinacyada uu wada hadalku u dhaxeeyo.

“Anaga kaliya waxaan joognaa booska dhex dhexaadinta ah, waxaana u aragnaa arrintan mushkiladaha Afrika xalkeeda waxaa leh Afrika, anaga oo taas ka duuleyna ayaan dhinacyada ka rabnaa in ay anaga na hagaan, dabcan talooyin iyo soojeedinba waan ku lahaan karnaa” ayaa yiri Mehmet.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan rabaa in aan intaas ku daro in anagoo fiirineyna horumarada wadahadaladan uu safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya uu inta yimid uu mar kale la kulmay dhinacyada, anaga oo eegeyna hor marka kasoo baxay kulamadii dhacay ayaan waxaan tix gelinaynaa in aan qiimeyno jawaab celinta naga soo gaartay dhinacyada, waxaama qaadi doonaa tallaabooyin kale oo arintan ku aadan”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this