Deeq A. Posted April 18, 2020 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa sheegay in la diyaariyey koox loo tababaray sida loo aaso dadka u geeriyooda Coronavirus. Cumar Filish ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa’id oo guddiga heer qaran ee ka hortagga fayruskaas kaasoo lagu qabtay Muqdisho. Duqa caasimadda ayaa tilmaamay in kooxdaas ay isugu jiraan dhakhaatiir iyo culimo, kuwaas oo qaabilsan duugta bukaanadda. Aaska ayuu daaha ka rogay in ay ka qeybgeli doonan dad aad u kooban, wallow uusan cayimin tirro gaar ah. Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey tiradda geerida Covid-19 ee gudaha waddanka ayaa waxay mareysaa todoba, sidda ay warbixinteeda maalinlaha ku sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites