Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo isku dayeysa inay dib u qabsato Guriceel iyo ciidamo lagu arkay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Cabsi xooggan ayaa ka taagan magaalada Guriceel ayada oo wararka ay sheegayaan in kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qorsheeneyso inay dib ula wareegto gacan ku haynta magaalada.

Ahlu-Sunna oo aan warkooda la maqal tan iyo markii looga adkaaday Galmudug, ayaa 16-kii April soo saartay qoraal uu ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Shaakir, oo ka mid ah madaxda ururkaas.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay diyaar u tahay in bulshadeeda “ay ka badbaadiso in lagu dhex faafiyo afkaarta xagjirka ah” maadaama buu yiri “ay dowladda ku beereyso Galmudug Al-Shabaab iyo Daacish.”

Hadalkan ayaa loo arkay hanjabaad toos ah, waxaana xigay ciidamo la sheegay in lagu arkay duleedka magaalada Guriceel, kuwaas oo ilo-wareedyo ay sheegeen inay doonayaan in magaalada ay qabsadaan.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo madaxweyne Qoor Qoor, ayaa sidoo kale u muuqda inuu arrintan ka war-hayo, waxaana si dadban uga hadlay afhayeenka maamulka Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed.

Taardhuleed ayaa sheegay in maalmahaan ay maqlayeen warar ka dhan ah Amniga Degmada Guriceel, waxaana uu soo jeediyay in guud ahaan laga wada qaybgalo abaabulka looga hortagayo.

“Maalmahaan waxa aan meelahaan ka maqlaynay cariga waa loosoo dhuuntay, igama dhego-yaridiin, waxaan rabnaa in la is xusuusiyo wixii loosoo maray, iyadoo dowladnimada shaarkeeda lawada wato waa in la waardiyeeyo” ayuu yiri Taardhuleed.

“Cadawgii meeshaan lagula diriray ayaa laga waardiyeenayaa, Dadkii la diray waa ay joogaan iyaga oo ah saraakiil, saraakiil xigeeno, dabley iyo shacab, waana in isla shaqeeyaa si looga guuleysto,” ayuu yiri.

Dadka magaalada Guriceel ayaa sheegaya inay aad uga cabsi qabaan dagaal magaalada ka dhaca ayna ku sugan yihiin xaalad feejignaan ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this