Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ku baxay degaano beelo ku dagaalameen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamo huwan ah oo isugu jira Milatariga Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku baxay degaano ay ka dhaceen colaad beeleedyo.

Degaanadaas ayaa ku yaala xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya sidda; Furinta Fuure iyo Balicad.

Mahad Cumar Muumin, taliyaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya qeybta Galmudug, ayaa hogaaminaya howlgalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka dhaqdhaqaaqooda uu yahay hubinta xaalada degaanka iyo fulinta xabad-joojin lagu dhawaaqay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay wateen gadiid dagaal. Maleeyshiyaadka dagaalmay waxaa lagu sameeyay hub ka dhigis iyo kala qaadis.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/AQD.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this