Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty oo warbixin xasaasi ah kasoo saartay xariga sanad jirsaday ee Weriye Cabdimaalik Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta xukuumadda Somaliland ka dalbatay in xabsiga laga sii daayo Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo maanta oo kale sanad ka hor laga xiray magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

“Amnesty International waxay ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku siidaayaan suxufi Cabdimalik Muuse Coldoon oo si sharci darro ah loo xiray, loona hayey mudo sanad ah”ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

1-dii bishan Abril Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyey 574 maxbuus oo laga soo kala qabtay daafaha deegaanada Somaliland, waxaana la aaminsanyahay in cafiskaasi uu ku yimid khatarta sii kordheysa ee cudurka COVID-19, balse dadkii cafiska helay nasiib darro kuma jirin Cabdimaalik Coldoon iyo kuwo kaleba.

17-kii bishii Abriil ee sandkii 2019-kii oo ay haatan ka soo wareegtay mudo sanad ah, ayaa Cabdimaalik Muuse Coldoon laga qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana eedeymaha loo soo jeediyay qeyb ka ahaa dhaleeceyn uu ka tirsanayo maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga.

Seddax bilood kadib 8-dii Luulyo 2019, maxkamadaha Somaliland, gaar ahaan tan gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa iyo Rafcaanka ayaa isku raacay in Cabdimaalik lagu xukumo seddax sano iyo bar xabsi ciidan ah, wixii intaas ka dambeeyana waxa uu iska diiday in uu racfaan u qaato maxkamadda sare ee Somaliland, niyad jab kasoo wajahay garsoorka Somaliland awgeed.

“Qareenadiisa waxa ay Amnesty International u sheegeen in xariga Cabdimalik iyo xukunnadii ku dhacayba ay ahaayeen cadaalad darro, siyaasadeysan waxaana ka dhalatay in Mubarik Cabdi Ismaciil oo ka mid ahaa qareenadiisii uu iska casilay gabi ahaanba kaalintiisii ​​qareenimo bishii Sebtember ee isla sanadkii 2019-kii, isaga oo daliilaya cabsi gelin iyo hanjabaad uga yimid hogaamiyaasha Somaliland, sida lagu yiri warbixinta Amnesty.

“26kii Juun 2019, Amnesty International waxay ku aragtay saraakiil ka tirsan booliska gobolka Maroodi-jeex, maxkamad kadeedis iyo iskudayo ah in laga  hor istaago qareen Mubarik in uu galo qolka maxkamadda ee uu joogay suxufiga, waxay aheyd in uu metelo suxufiga. Balse xarigga Cabdimaalik wuxuu ahaa mid sabab la’aan ah, maadaama loo fuliyay amar la’aan, waxaana lagu xadgudbay Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland, kaas oo dhigaya in booliska ay qasab ku tahay in ay ka helaan warqad amar qaadasho ka hor inta aan la xirin” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty International.

Amnesty ayaa sidoo kale warbixintan ku sheegtay in mas’uuliyiinta Somaliland aysan dhowrin xuquuqda xorriyadda hadalka. “Qodobbada dhibka leh ee ku jira ciqaabta, waa in la tirtiraa lana waafajiyaa dastuurka si mas’uuliyiintu si buuxda u ixtiraamaan. Ilaalinta, kor u qaadista iyo fulinta xaqqa xorriyadda hadalka ee Somaliland.”

a.png b.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this