Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay inay wax ka beddeleyso bandowga saaran Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay is-beddel ku sameyneyso bandow-ga xilliyada habeenii ah saran magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bandowga, oo hadda socday labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxa uu ka billowdaa 8:00 fiidnimo, wuxuuna ku eg yahay 5:00 Subaxnimo. Hase dowladda ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto bandowga.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in maadaama la guda geli doono bisha Barakeysan ee Ramadan ay waxka bedeli doonaan Bandowga inkasta oo uusan shaacin nooca is-beddel.

Si kastaba warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wax laga beddeli doono saacadaha bandowga, islamarkaana laga yaabo in la qafiifiyo xeerarka la socda bandowga.

Taliye Xijaar ayaa dhanka kale sheegay in Bandowga dowladda soo rogtay la gaarsiin doono guud ahaan gobolada dalka, waxaana wararku ay sheegayaan in goobaha la gaarsiin doono ay ku jiraan magaalooyinka maamul goboleedyada raacsan dowladda, sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Bandowga Muqdisho ayaa loo soo rogay iyada oo uu qeyb ka yahay qorshaha ay dowladda ku dooneyso in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this