Sign in to follow this  
Deeq A.

Xidhitaanka misaajidada iyo caabuqa Coronavirus 19

Recommended Posts

Deeq A.   

XIDHITAANKA MASAAJIDADA IYO CAABUQA CORONAVIRUS-19

Sida aynu kala socona dunida inteeda kale cudurkan ila hadda tallaal iyo daawo lagula taacaalo midna lama hayo. Waa sadheeye daafaha dunida aafeeyey oo xawaare aan la koobi karin ku socda. Ummad muslim ah haddaynu nahay waa in aynu la jaanqaadnayaa talooyinka iyo tusaalooyinka Hay’adda Caafimaadka Dunida ee (WHO). Talooyinka Hay’addu bixisay waa isu imaatinka oo la yareeyo; qalabka sanka iyo gacmaha oo la xidho; farxalka oo la badiyo, iwm.

Maanta dalalkii ugu awooda badnaa ayaa la daala dhacaya siday u xakamayn lahaayeen faafitaanka cudurkan dilaaga ah. Waa kuwaa qiray siduu Nebi Muxamed(NNkHA) ku taliyey 1400 oo sannadood ka hor. Salaaduna waa tiiirarka Islaamka ta ugu muhiimsan. Aadamaha marka salaadiisu sugnaato ayaa inta kalee cibaadaduna sugnaataa.

Waxaynu ka warqabnaa in Xaramaynkii- Makkah iyo Madiinaba- lagu taliyey in dadku guryahooda ku tukadaan salaadaha si loo yareeyo faafitaanka cudurkan. Masaajidada waxa buuxiya baniaadamka Alle caabudaya. Haddiiba ay noqotay in la badbaadiyo aadamihii masaajidada camireyey iyadoo awooda la saarayo fayodowrka, culimadu ummadda xaq ugu ma laha in ay yidhaahdaan sidii hore ayaa salaadaha masaajidada loogu tukanayaa.

Haddii ummaddii cibaadeysanaysayba cudurkani dabargooyo, waa ayo cidda salaad tukanaysaa? Culimooy ummadda jahawreerka ka dayaa. Maanta ma aha maalintii la goolaaftamayey. Ha loo hoggaansamo cidda aynu talada dalka u igmanay oo ha loo daba fadhiisto. Diinteena suubani waa fududeeya ee yaan dadka khuraafaad lagu wareerin

Waynu ognahay awoodeena dhaqaale in aanay innoo saxaamay so gadashada qalabka caafimaad ee lagaga hortegeyo caabuqa COVID-19. Markaa waxa inagu waajib ah in inta aynu awoodno an hirgelino oo talooyinka Guddiga Qaranka ee arrintan u xilsaaran iyo hadba khubarada caafimaadku iyana wixii talo ah lagala kaashado; wixii intaa dhaafsan waa in gargaar iyo gurmad caafimaad caalamka weydiisano- Sidaa hadaba muuqata.

Rabi ha inaga babaadsho aafadan dunidii halaakaysay.

Axmed Cali Ibraahim Sabeyse
April 16, 2020.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this